Puntland Daispora Forum oo Farac Cusub oo ay Leedahay Laga Furay Dalka India(Sawiro)
March 8, 2010
Waxaa caawa shir balaaran iskugu yimid Ardayda Reer Puntland ee wadanka India waxkabarata, Shirkaas waxaa lagu lafagurayey sida ay suurgal ku tahay in Wadanka India laga Hirgaliyo Farac Cusub oo kamida Ururka Golaha Qurbajoogta Puntland ama Puntland Daispora Forum (PDF).
Dood iyo falaqayn kadib Waxay ardaydu isku raacday in la dhiso Faraca Cusub ee PDF waxayna ardaydu iska dhexdoorteen 15 Xubnood oo soo dhisa Haykalkii Guud ee uu Ururuku ku shaqayn lahaa, ayadoo laraacayo Axdiga ama Xeerka uu leeyahay PDF kaas oo halkaas laga akhriyey.
Kadib Doorashada Xubnahaas 15 ka kooban waxaa laguda galay in la Doorto Gudoomihaya Golaha Qurbajoogta Puntland Faraca India iyo dhammaan Maamulkii la shaqayn lahaa ayadoo lagu soo xulanayo dhammaan xubnahaas Firfircoon iyo dedaal dheeri ah.
Intaas waxaa la isku raacay oo loo codeeyey in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Qurbajoogta Puntland Faraca India Eng.Mohamed Abdi Said (Sagac) taas oo dhammaan ay soo wada dhaweeyeen Xubnihii Madasha fadhiyey iyo ardayda reer puntland ee india, waxaana Gudoomihu soo magacaabay dhammaan Xubnihii la shaqayn lahaa kuwaas oo ka kooban 8 xubnood, waxa ayna noqdeen sidaan
1.Eng. Mohamed Abdi Said (Sagac)
Gudoomiyaha Golaha Qurbajoogta Puntland Faraca India
2.Ahmed Abdirahman Aden Dalab(Fashion)
Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Qurbajoogta Puntland
3.Shaafici Jaamac Faarax (Xagar)
Madaxa Maaliyadda
4. Mahamuud Yusuf Qahar
Madaxa Xiriirka Dibadda
5. Abdirahman Abdiqadir (China)
Madaxa Isboortiga iyo Dhalinyaradda
6.Said Aden Yusuf (Gacameey)
Madaxa Wabarashadda
7. Abdiqadir Mohamed Yusuf (Qooleey)
Madaxa Warfaafinta
8. Dr.Mahamed Nur Jamac (Bootaan)
Xoghaya Gudigga Joogtada ah
Igudanbaytii waxa uu gudoomiyuhu sheegay in dhammaadka bisha Aprill laqaban doono xaflad balaaran taas oo noqon doonto mid ay kawad soo qayb galaan Dhammaan ardayda reer puntland iyo dadweynaha soomaaliyeed ayadoo la doonayo in la mideeyo ardayda reer puntland Farac PDF India iyo faracyadda kale ee PDF kuleedahay Caalamka.
|