Wefdi ka socda DFKM ah oo Maanta kulan la qaatay Masuuliyinta Puntland
March 8, 2010Wefdi ka socda DFKM ah gaar ahaan Barlamaanka ayaa waxaa ay maanta magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland kulan kula qaateen Masuuliyinta iyo Xukuumadda Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland C/xakiim Axmed Guuleed oo Shir Jira’id ku qabtay Xarunta madaxtooyada magaaladda Garoowe ayaa ka hadlay kulan ay maanta Golaha Wasiiradda Puntland ay kala qaybgaleen Wefdi ka socday Barlamaanka DFKM ah.
Waxaana uu sheegay in wefdiga DFKM ah ay dhambaal balaaran ay ka sideen masuuliyin ka tirsan Dowladda Fedraalka iyo Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Xirrirka Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayna ka gudoomeen,ayadoo wefdiga ay kasoo duuleen Magaaladda Nairobi ee caasimadda Kenya.
Wasiirka ayaa xusay in uu ahaa wada hadal hor dhac ah ayna go’aamada kasoo baxayaan dib ay Saxaafadda usoo gudbin doonaan.
Xildhibaanada ka socday Barlamaanka DFKM ah waxaa qayb ka ahaa Xildhibaan Xassan Abshir Faarax iyo Xareed Ciise Cali oo kasoo jeeda degaanadda Puntland. Xildhibaanada ayaa doonaya in isbedel lagu sameeyo xiriirka Puntland iyo Dawladda Federaalka oo ahaa mid aad u qabow marka loo fiiriyo muddooyinkii hore, inkasta oo Dawladda Puntland aysan kalsoonida kala laaban Dawladda Federaalka.
Xiriirka aan diirimaadka lahayn ee labada dhinac ayaa biloiwdey kadib markii Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole uu ku eedeeyay Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif in aysan raali ka ahayn in Puntland ku talaabsato horumar kana shaqeeyaan sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen.
Todobaadkii la soo dhaafey ayaa labada dhinac warbaahinta isu mariyeen erayo kul kul kadib markii Wasiir ka tirsan xukuumadda Federalka uu sheegay in aysan Maamul Goboleedyadu aysan wax heshiis ah oo ku saabsan shidaalka iyo tamarta aysan geli karin iyada oo aan la ogeyn Dawladda Dhexe, waana awood Dawladeed, waxaana uu ku tilmaamey heshiisyadii hore ee maamul goboleedyadu galeen kuwo sharci darro ah. Jawaab deg deg ah oo ka soo baxdey xafiiska Agaasimaha Guud ee Dawladda Puntland ayaa deedafeeyay hadalka ka soo baxay Wasiirka waxaana lagu sheegay warkaas in aysan ka talin dalka Dawladdu ay ku siman tahay 2KM.
Xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda Dawladda Puntland ayaa aamninsan inaysan wax saamayn ah ku yeelan karin Dawladda Dhexe haddii xiriirka labada dhinac uu xun yahay
|