Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe oo Ka Baxay Shirkii Buurowadal
March 8, 2010Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe ayaa war uu maanta soo saarey ku sheegay in uu gebi ahaanba isaga baxay wadahadalkii ka socdey Buurawadal kawaas oo u dhexeeyay Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana shirkaas looga arinsanaayey sidii loo dhisi lahaa gudi khusuusi ah oo beesha hogaamiya.
Garaad C/laahi Garaad Soofe, Garaadka Beesha Axmed Garaad ee (Dhulbahante) waxa uu qoraalka uu soosaaray ku xusay inuu ogaysiinaayo Beesha Dhulbahante iyo Beelaha kale ee Soomaaliyeed iyo kuwa uu Garaadka u yahayba in uu la socod siinaayo inuu ka baxay shirkii ka socaday Buurowadal kasoo lagu dhisi lahaa Gudiga Khusuusiga ah
Ka bixitaan kaan uu ka baxay shirka ka lagu dhisaayo Khusuusiga ayaa Garaad C/laahi Garaad Soofe Waxa uu ku micneeya in la dhinaca maray sharcigii Isimada ay horay u dhigteen ayna marin habaabiyeen dad dano gaar ah leh islamarkaan aan beesha dhulbahanta loogu ayan waxa dan ah u ah
Garaad C/laahi Garaad Soofe ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku cadeeyay in ay wada tashi sameeyeen Cuqaasha,Odayaasha,Aqoonyahanada,Siyaasiyiinta Beesha Axmed Garaad ay go’aan sadeen inay isaga baxaan shirka ka socad BuuroWadal ee lagu dhisi lahaa gudigii khusuusiga islamarkaan beesha Axmed Garaad uusan khusayan waxa kasoo baax shirkaas
Dhawaan ayay ahayad markii ay isamada Beesha Dhulbahanta ay shir balaaran isgu yimaadeen kasoo ay kaga wada hadlayeen sidii ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan dib u xoreynta dhulka maqan, hogaan mideysana loo samayn lahaa.
|